Cali Gacal Casir : Cadaado waxaan ku dooraneynaa madaxweyne cusub oo uu yeesho maamulka Galmudug
Arbaco, October, 10, 2018 (HOL)- Guddoomiyihii
hore ee xilka laga qaaday ee Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir laakiin ka
biyo diidan xil ka qaadistiisa ayaa sheegay in magaalada Cadaado ay ku
dooranayaan sida uu hadalka u dhigay madaxweyne cusub oo yeelanayo maamulka
Galmudug.
Maalintii shalay ayeey aheyd markii degmada
Dhuusa-Mareeb lagu doortay guddoomiye uu yeelanayo baarlamaanka Galmudug oo loo
doortay Ismaaciil Cabdulle Axmed, kaddib markii xilka laga qaaday Cali Gacal
Casir.
Laakiin Cali Gacal Casir oo ku sugan degmada
Cadaado ayaa sheegay in ay diyaar-garoow ugu jiraan doorashada madaxweyne cusub
oo uu yeesho maamulka Galmudug, madaama
ayuu yiri horay xilka looga qaaday madaxweynaha Xaaf.
Sidoo kale Cali Gacal Casir ayaa intaa ku daray
in la soo buuxin doono kursiga guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka.
Wuxuu sheegay in arintan loo
saaray guddi doorasho kuwaa oo laga sugayo ayuu yiri in ay ku dhawaaqaan
xiligan doorashada madaxweynaha Galmudug.
Warkan ka soo yeeray Cadaado ayaa u muuqda mid
sii murjinaya khilaafkii markii hore-ba jiray, waxaana arintan walaac xoog leh
ka muujinaya dowladda Soomaaliya oo u aragta mid bur bur iyo kala tag u keeni
karta guud ahaan-ba maamul gobolleedka Galmudug.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]