4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 9 , 2018
Wasiirka waxbarashada Soomaaliya oo madax ka tirsan UNICEF kala hadlay horumarinta waxbarashada

Jimco, November, 09, 2018 (HOL)– Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya .Cabdulahi Goodax Barre ayaa khamiistii shalay xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay madax ka tirsan UNICEF.

Labada dhinac ayaa  ka wada hadlay mashruuca (Education Cannot Wait) oo loogu talo galay in lagu horumariyo tayada waxbarashadda dalka.


Wasiirka waxbarashada, Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in warbixin uu ka siiyay xubnahan ka socday UNICEF xaaladda guud ee waxbarashada dalka iyo nidaamka xulashada macalimiinta dhigeysa manhajka cusub.

"Waxaan ka wada hadalnay  mashruuca (Education Cannot Wait) oo loogu talo galay in lagu horumariyo tayada waxbarashadda dalka,waxaan warbixin ka siiyay xaaladda guud ee waxbarashada dalka gaar ahaan  nidaamka xulashada macalimiinta dhigeysa manhajka cusub ee dhawaan ay qeybisay wasaaradda waxbarashada dalka".ayuu yiri wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ,Cabdulahi Goodax Barre.

Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya waxay dadaal ugu jirta sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dalka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]