4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 9 , 2018
Dowladda Turkiga oo gacan ka geysaneysa dib u dhiska ciidamada badda

 

Jimco, November, 09, 2018 (HOL)– Dowladda Turkiga oo haatan tababar iyo qalabeyn ku sameysa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ballan qaaday dib-u-dhiska, tababarka, tayeynta iyo qalabaynta Ciidamada Badda si dowladda ay awood buuxda ugu yeelato difaaca xeebaha dalka oo idil, loogana hor-tago burcad badeeda iyo kalluumeysiga sharci darrada ah.

Wasiirka Difaaca Turkiga Hulusi Akar oo labada maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho iyo isaga iyo wafdi uu horkacayo ayaa sheegay in dowladdiisu ay taageero hagar la’aaneed la garab taagantahay dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna bogaadiyay horumarka ay dowladda ka sameysay dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo dhismaha ciidamada.

Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga Hulusi Akar iyo wafdiga la socday booqashada ay Soomaaliya ku yimaadeen iyo sida ay u muujiyeen in ay mar walba diyaar u yihiin garab istaaga Dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]