4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 19, 2018
Maamulka gobolka Banaadir oo daah furay Mashruuca horumarinta iyo shaqo abuurka Gobolka

Isniin, November, 19, 2018 (HOL)– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo daah furay Barnaamijka Horumarinta bilicda Caasimadda iyo shaqo abuurka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in barnaamijkan uu ku yimid Maamul wanaagga iyo qorsheyaasha horumarineed ee ka socda Gobolka.

Guddoomiyaha ayaa uga mahad-celiyey Hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobey, gaar ahaan UNDP, kaalinta maal-gelineed ee ay ka qaadanayaan hirgelinta barnaamijkan iyo kalsoonida buuxda ee ay ku qabaan hannaanka maamul ee Gobolka Banaadir.

“Barnaamijkan waxaa uu isugu jiraa labo qeybood oo muhiim u ah horumarka iyo nolasha bulshada Gobolka, labadaas qeeybood ayaa kala ah mid shaqo abuur loogu sameynayo 1000 dhallinyaro ah iyo qorshe ku saabsan dib u soo celinta bilicda iyo quruxda Caasimadda.”

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay qalab casri ah oo ay qeyb ka yihiin booyadaha nadaafadda, cagafcagafyo iyo gaadiid kale oo loogu tala galay dayactirka iyo ilaalinta fayo dhawrka Gobolka.

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay qorshaha Iftiiminta Caasimadda, iyadoona laga warbixiyey naleynta jididka 30-ka iyo Wadnaha oo la soo gaba gabeeyey, haatanna la bilaabi doono qeybaha kale ee jidadka iyo farsmagaaleyaasha Caasimadda.

Guddoomiye Yarisow ayaa ku ammaanay Bulshada Gobolka Banaadir dadaalka wadaniyadda leh ee ay mujiyeen si looga mira dhaliyo Olalaha Isxilqaan, iyadoona lagu nadiifiyey olalahaas Muqdisho Stadium, xarummaha Tiyaatarka iyo Madxafka Qaranka.

Munaasabadda daahfurka mashruucan oo lagu qabtay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madax heer Gobol iyo heer Degmo ah, saraakiisha hay’adda UNDP iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Banaadir.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]