4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 19, 2018
Guddiga doorashada Koonfurgalbeed oo guddoomiye Doortay

Isniin, November, 19, 2018 (HOL)– Guddiga doorashada madaxweynaha ee dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed ayaa maanta doortay Guddoomiye,  guddoomiye ku xigeen iyo Xogheyn, kaddib kulan ay ku yeesheen magaalada Baydhabo.

Guddiga ayaa waxa ay  guddoomiye u doorteen Xildhibaan Shaacir Cumar Beyle,halka Guddoomiye ku-xigeen loogu doortay Abuukar Xuseen Xasan,sidoo kale Xoghaynta Guddiga ayaa waxa loo doortay Xildhibaan Nuur Ibraahim Cusmaan.

Waxa uu ballan-qaaday guddoomiyaha cusub ee guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Koonfurgalbeed Xildhibaan Shaacir Cumar Beyle in doorashada waqtigeda ay ku dhaceyso islamarkaana habraaca doorashada ay soo bandhigi doonaan.

Doorashada madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed oo lagu waday in la qabto 17-ka bishan November ayaa dib loo dhigay ,kaddib markii qaar ka mid ah guddiga doorashada ay is  casileen waxaana lagu wadaa in 28-ka bishan November ay dhacdo doorashada Madaxweynaha Koofurgalbeed Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]