4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 19, 2018
Eng. Maxamed Cismaan CaliMaad oo maanta Gaalkacyo kaga dhawaaqay inuu u sharaxanyahay xilka madaxweynaha Puntland

Sabti, November, 17, 2018 (HOL) - Eng. Maxamed Cismaan CaliMaad , ayaa maanta shaaca ka qaadday inuu u sharraxanyahay xilka madaxweynaha Puntland doorashada dhacaysa horraanta bisha Jannaayo ee sanadka 2019, kaddib munaasabad ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Xalfadda shaacinta musharraxnimo ee Eng. Maxamed Cismaan , waxaa ka qaybgalay siyaasiyiin, nabadoonno, waxgarad, odayaal ,dhallinyaro, haween iyo aqoonyahanno.

Ugu horrayn, musharrax Eng. Maxamed Cismaan CaliMaad oo munaasabadda khudbad dheer ka jeediyay  ayaa u mahadceliyay dhammaan dadkii xalfadda ka soo qaybgalay iyo kuwii qabanqaabiyay, wuxuu intaas kaddib soo bandhigay waxyaabaha uu doonayo inuu Puntland ku hoggaamiyo,isagoo diiradda saaray amniga, cadaaladda, horumarinta bulsho iyo deegaan, dhaqaalaha,waxbarashada iyo horumarinta dhallinyarada iyo qaybaha bulshada.

"Doonashadda xilkan iguma kalifeyso madaxnimo jaceyl ,igumana kalifeyso maal-raadin oo annoo og dhibka ay leedahay iyo xilliga lagu jiro baan waxaan goostay inan u shaqeeyo dadkeyga iyo dalkeyga." ayuu yiri Eng. Maxamed Cismaan.

Waxa uu sheegay in shaqa abuurka bulshada ay tahay waxyaabaha ugu horreeya ee u xoogga saarayo, isagoo ku dheeraday horumarinta waxbarashada Puntland, waxa uu ballan-qaaday haddii xilka uu raadinayo uu ku guuleysto inuu hirgalinayo dugsiyo farsamadda gacanta ,waxa kalo u sheegay in caafimaadka bulshada ay tahay waxa ka go'an oo u doonayo bulshada Puntland inuu ku hoggaamiyo, waxa uuna caddeeyay inuu dhiirrigalin doono sidii ganacsatada ay u hirgelin lahaayeen isbitaal casri ah ,waxa uu tilmaamay in maamulkiisa haddii uu xilka qabto ay hirgelin doonan la socodka tayenta caafimaadka.

Eng. Maxamed Cismaan, ayaa khudbadiisa ku soo daray in ganacsatada iyo qurbajoogta uu u fududeyn doono hirgelinta warshadaha , waxa uu inta ku daray inuu ka shaqeyn doono sidii loo yareyn lahaa xadiga soo gashada Qaadka, isagoo sheegay in arrinta loo maryo wacyigelin bulsho.

Musharraxa ayaa sidoo kale sheegay inuu ka shaqeyn doono ballaarinta dekedda Boosaaso iyo hirgelinta dekedda Garacad, arrimaha amniga isagoo ka hadlay waxa uu sheegay inuu xoojin doono hay'adaha amniga,lagana shaqeyn doono sida u sheegay isku xirka bulshada iyo hay'adaha amniga, waxa uu si gaar ah u ballanqaaday dhismaha ciidammo gaar ah oo ka shaqeynaya inay gacanta lagu soo dhigo dadka dilalka geysta iyo xallinta dagaal beeleedyada,docda kale, waxa uu soo hadal qaaday arrimaha gobollada ka maqan gacanta Puntland isaga oo sheegay in hoggaamintiisa ay ka soo horjeedo dhiig wiil Soomaaliyeed, waxa kalo u sheegay inaysan suragal ahayn in wiil ku dhashay Gabilay uu ku soo dhawaado Garoowe,sida uu hadalka u dhigay.

"Dhan kasta oo ay noqoto dadka reer Sool waa Puntland.. wax ka qabashada arrintan dadaal badan ayaan galinaya,mana iga maqli doontan waxbaan dilaya, waxaanse idin ballanqaadaya inan gacanta Puntland ku soo celino deegaannada maqan." ayuu ku daray.

Gabagabadii, Qeybihii bulshada ee xalfadda ka qaybgalay ayaa hadallo ay jeediyeen waxaa ay aad usoo dhaweeyn khubada musharraxa oo ay sheegeen in diiradda uu ku saaray qodobbo muhiim u ah bulshada,iyagoo si wadajir ah u sheegay inay taageerri doonaan musharraxa.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]