4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 19, 2018
Askari hore Kismaayo ugu dilay Nabadoon oo la toogtay [Sawirro]

Isniin, November, 19, 2018 (HOL)- Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay askari lagu magacaabo C/risaaq Cumar C/dullaahi, oo ku eedeeysnaa in uu si bareer ah u toogtay AUN Nabadoon Xasan Gooloow oo kamid ahaa odoyaasha dhaqanka Jubbaland.

27-ka bisha October ayuu askari oo kamid ahaa ciidamo gadoodsanaa toogtay nabadoonka oo kamid ahaa odoyaal doonayay in ay xalliyaan gadoodka askartaasi, waxaana intaa kadib askariga iyo askartii kale ee la socotay lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen ciidamada.

6-dii bishan ayay maxkamaddu ku riday askartii gadoodsanaa oo uu kamid yahay askariga maanta la toogtay xukunno kala duwan oo isugu jiray xabsi iyo dil lagu xukumay askariga toogtay nabadoonka.

Saraakiisha maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa shabakadda HOL u sheegay in C/risaaq Cumar C/dullaahi maanta lagu fuliyay xukunka dilka ah, ayagoo intaa ku daray in aysan jirin cid ka sareeysa cadaaladda oo askarigii uu ku cadaado fal danbiyeedna cadaaladda la marsiin doono.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.