4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 19, 2018
Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay diyaar u yihiin xabad joojin

Isniin, November, 19, 2018 (HOL)– Mucaaradka hubaysan ee Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay diyaar u yihiin xabad joojin, lana joojiyo duqaymaha Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta ay ka wadaan wadanka Yemen.

Cadaadis caalami ah ayaa la saaray dhinacyada ku dagaallamaya dalka Yemen, si loo joojiyo dagaalka Yemen ee ay ku geeriyoodeen toban kun oo ruux, sidoo kalena waddanka geliyay xaalad macluul iyo nafaqo darro ah.

Talaabada Xuutiyiinta ayaa imaanaysa, iyadoo isbahaysiga Sacuuiga laga dalbanay inuu joojinayo duqaymaha uu ku hayo magaalada dekedda leh ee Xudeyda, taasi oo ah barta uu ka socdo dagaalka ugu wayn ee uu hogaaminayo Sacuudiga.

Mohammed Ali al-Houthi, oo ah madaxa kooxdaasi ee golaha sare ee kacaanka ayaa sheegay in ay aqbaleen codsiga Ergeyga Qaramada Midoobay ee Yemen,isla markaana ay diyaar u yihiin xabad joojin ,haddii dhinacyada kale ay iyaguna diyaar yihiin.

Qaramada Midoobay  ayaa rajaynaysa wada-hadal dhaca kahor sanadkan intuu dhamaan oo dhinacyada khilaafka uu ka dhaxeeyo ee Yemen lagu soo afjarayo colaadda dowladda iyo mucaaradka, kaasi oo lagu wado inuu kadhaco wadanka Sweden kahor dhamaadka sanadka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]