4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 19, 2018
Wakiilka Somaliland u fadhiya Jabuuti “Calankeenii baa Safaarada ka taagan

 

Isniin, November, 19, 2018 (HOL)-Wakiilka Somaliland ee dalka Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed, ayaa ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti ka dhexeeya, waxaanu tilmaamay in xidhiidh qoto dheer oo dhinacyo badan leh inuu labada dal ka dhexeeyo.

Wakiilka Somaliland ee Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed ayaa sidoo kale ka hadlay Shirka Qaran ee Mucaaradku ku baaqeen,waxasnu sheegay in Shir Qarran uu Madaxweynaha oo qudhi go'aamin karo, isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi "Xidhiidhku maanta meel wanaagsan buu marayaa meeshii ugu sareeysay, waxaanu anagu ka shaqeyno Safiirka ama Wakiilka marka lagu leeyahay,waa muhiimada kowaad inay noqoto isku Xidhka labada dal,amniga iyo isku Socodka labada dal ee walaalaha ah,waana saaxibkaa kowaad ee aynu leenahay,weynu ogayn duufanadii iyo abaarihii ka horeeyey siday inoogu soo gurmadeen,abaartii ugu dambeeysayna waa kuwii 44 Gaadhi u soo diray Somaliland”

waxaa kale oo uu intaas ku daray “ Calankeenii baa Safaarada ka taagan,wax kasta oo bulshada Caalamku leeyihiin waanu leenahay,Shirar badan oo Caalamiya waa naloogu yeedhaa oo ay ka mid yihiin Shirarka Baarlamaanka,Madaxweynaha Riwaanda markii uu yimid Shirkii Baarlamaanka waa naloogu yeeedhay,Safiirada Caalamka Shirarkooda waa naloogu yeedha,Safiirkii Mareykanka,Safiirka Sucuudiga mid walba waanu is ag fadhinaa,meel ay Caalamka ka dhacdaana ma jirto", .

Safiir Cabdifataax mar uu ka hadllaayey cidda awoodo u Leh inay Shir Qaran qabato waxa uu yidhi "Shacabkeena waa inay ka feejignaadaan cidda dhexdiina ku jirta ee raba inay carqalad sameeyaan,Dastuurka jabiyaan,iyagoo Xisbiyo Qaran ku soo baxay,Xisbiyada qaar weynu ognahay oo waa kuwa iyagoo sheeganaya Xisbiyadii ugu horeeyey, ayaa haddana maanta leh Shir Qaran iyo Shir Beeleed ha la qabto,waxaan leeyahay dadka ha wareerinina dadku wey idinka caqli badan yihiin,adeer aynu Dawladda ilaashaano,shacabaw waad ogeydeen dhibaato badan ayaa Somaliland gaadha, dagaal sokeeye ayaa dhacay ee maanta walaa Xukuumad walaa Mucaarad mid aad ka yeeshaan yaanu jirin, nabad Baynu haysanaa, Nabadu naas la Nuugo Ayey leedahay”.

"Dawladda Farmaajo waxay mar walba ku hawlan tahay oo ay u soo tafa-xadatay in Somaliland la cuno-qabateeyo,haddana mar walba waxay leedahay wada hadal baanu doonaynaa,waxaan leeyahay adeer labadaasi isma qabtaan,Haddii ay doonaynaa in saaxad sax ah lagu wada hado ha ka waantoobaan,is bedelka Geeska ka socdana aad baanu u soo dhaweeeynaynaa"ayuu yidhi mar uu ka hadlayey Soomaaliya.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.