4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 19, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Talyaaniga

 

Isniin, November, 19, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Talyaaniga, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay dowladda Talyaaniga.

Madaxweynaha  iyo madaxda dalka Talyaaniga ayaa ka wada hadli doona dib u xoojinta  iskaashiga iyo xiriirka labada dal ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha  iyo amniga. Sidoo kale, labada dhinac waxay isla lafo-guri doonaan  danaha kala geddisan ee ay wadaagaan labada dal iyo sidii looga  miradhalin lahaa.

“Dalka Talyaaniga waxa aynu wadaagnaa xiriir taariikhi ah, dowladdayduna waxay dadaal gelinaysaa sidii aan dib ugu xoojin lahayn, maadaama ay dowladda Talyaanigu kaalin weyn ku leedahay dib-u-dhiska Soomaaliya, saaxiibbo dhawna ay yihiin labada shacab.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhankooda, Masuuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafidiga Madaxweynaha ayaa kulamo ku qotoma dib u habaynta xiriirka labada dal iyo iskaashiga waxa ay la yeelan doonaan masuuliyiinta dhiggooda ah ee dalkaas.

Soomaaliya  iyo Talyaaniga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah, taas ayaana  saldhig u ah dadaallada joogtada ah ee madaxda labada dal ay ugu jiraan  ka miradhalinta qorsheyaasha iskaashi iyo xaqiijinta danaha ay  wadaagaan labada shacab ee saaxiibbada ah.
 
Booqashada  rasmiga ah ee Madaxweynaha ayaa qaadanaysa muddo saddex maalmood ah,  waxaana wafdiga Madaxweynaha qayb ka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo  Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Agaasimaha  Madaxtooyada Dr Aamina Siciid Cali, Lataliyeyaal iyo Diblumaasiyiin sare  oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]