4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 19, 2018
Xasan Sheekh oo booqanaya Kismaayo

Isniin, November, 19, 2018 (HOL)– Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanta booqasho ku tago magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad-gobolleedka Jubbaland.

Booqashadan ayaa lagu sheegay inay qayb ka tahay safar uu madaxweynihii hore ku marayo xarumaha dowlad-gobolleedyada dalka , markii ugu horreeysay tan iyo markii looga adkaaday doorashadii siddeedii bishii labaad ee sanadkii tegay 2017.

Galinkii dambe ee shalay ayaa Kismaayo, waxaa gaaray wafdi horu-dhac ah oo isugu jira labada gole ee Baarlamaanka Federaalka ,isla markaana ka mid ah Xisbiga uu hoggaamiyo Xasan Sheekh , ee UPD.

Booqashadan ayaa ku soo aadaysa xilli uu khilaaf u dhaxeeyo dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada dalka,iyadoo warar horu-dhac ah ay sheegayaan in madaxweynihii hore oo hadda ka mid ah xildhibaannada golaha shacabka uu kala hadlayo madaxda Jubbaland sidii khilaafka xal looga gaari lahaa.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]