4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 19, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo martiqaad ka helay dowladda Talyaaniga

 

Isniin, November, 19, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in saacadaha u socda uu u anbabaxo dalka Talyaaniga magaalada Roma isaga oo marti-qaad ka helay madaxda dalkaasi u sareysa.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in madaxda dalkaasi uu kala hadlo xiriirka labada dal, iskaashiga iyo arrimo kale, waxaana Talyaaniga uu ka mid tahay dalalka ka taageera dowladda Soomaaliya qalabeynta ciidanka iyo tababarka Ciidanka Booliska.

Sidoo kale dowladda Talyaaniga ayaa ka taageerta dowladda Soomaaliya tababarrada ciidamada iyo taakuleyntooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata mid dooneysa xoojinta xiriirka dowladdaha saaxiibadda la ah oo ay ka mid tahay dowladda Talyaaniga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]