Trump : Ma dhageysan doono cajaladda laga duubay Jamaal Khashoggi
Isniin, November,
19, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in lala
wadaagay macluumaad ku saabsan cod laga duubay dilka Jamal Khashoqji oo ahaa
saxafi Sacuudiga u dhashay, balse wuxuu sheegay in isagu uusan si shaqsi ah u
dhagaysan doonin.
"Waa duubid laga sameeyay sakaraad, waana
arrin fool xun," ayuu Axaddii ku yiri warbaahinta Fox News.
Hay'dda Sirdoonka Maraykanka ee magaceeda loo soo
gaabiyo CIA ayaa la sheegay in baaritaankii ay dilkan ku haysay ay ku soo
gabogabaysay in awaamiirta khaarajinta uu bixiyay Amiirka dhaxalka Sacuudiga
leh ee awoodda badan, balse Aqalka Cad ayaan wali arrintaas ayidin.
Dawladda Sacuudiga ayaa sheegashadaas ku
tilmaantay been waxayna diiday in Amiin Maxamed uu wax ka ogaa dilka.
Khashoqji oo caan ku ahaa dhaliilidda dawladda
Sacuudiga ayaa la dilay ka dib markii uu galay qunsuliyadda Istanbul labadii
bishii Oktoobar isaga oo rabay in uu ka soo qaato waraaqo arooskiisa la
xiriiray.
Dawladda Sacuudiga ayaa sheegtay in dad aan
anshax lahayn ay ka dambeeyeen dilka Khashoqji.
Xubno Aqalka Senetka Maraykanka ka tirsan oo
taageersan madaxweyne Trump ayaa ku cadaadinaya in uu jawaab adag ka bixiyo,
laakiin maadaama oo Sacuudigu uu yahay xulafo muhiim ah oo uu Bariga Dhexe ku
leeyahay waxaa laga yaabaa in taasi ay keenayso in uu ka dhago-adaygo baaqyada
loo soo jeedinayo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in uusan dhagaysan
doonin cajalka, maadaama oo lala wadaagay dhammaan macluumaadka ku duuban.
"Wax kaste oo cajalka ku duubaan waan ogahay
anoon dhagaysanin," ayuu ku yiri warbaahinta Fox.
Dawladda Turkiga ayaa la sheegay in ay Maraykanka
iyo xulafada kale ee reer galbeedka la wadaagtay cajalkan layaabka leh.
Intii uu waraysiga bixinayayna madaxweyne Trump
wuxuu sheegay in Maxamed Bin Salman uu u sheegay in uusan waxba ka ogayn dilka.
Trump wuxuu sheegay in laga yaabo in cidina aysan
ogaanin cidda dilkaas ka dambaysay, wuxuuna farta ku fiiqay cunaqabataynnada uu
Maraykanku saaray dadka lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen dilka.
"Iyadoo taasi jirtana iskaashi ayaan
leenahay, waxaana doonayaa in aan garab istaago dal aan iskaashi leenahay
siyaabo badanna u wanaagsanaa," ayuu intaas ku sii daray.
Inkastoo Hay'adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA
aysan si toos ah u sheegin in ay hayso caddaymo muujinaya in Amiir Maxamed Bin
Salmaan uu si toos ah ugu lug lahaa dilka, haddana waxay rumaysan tahay in
dilkaasi uusan dhaceen haddii aan ogolaansho laga haysanin.
Balse wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka
Maraykanka ayaa Sabtidii sheegtay in dawladdu aysan wali gabogabaynin
baadhitaataannadii dilka lagu hayo, iyadoo ay wali jiraan "warar la isla
dhexmarayo iyo kuwo aan laga jawaabin."
Madaxweyne Trump ayaa ka hadlay waxyaabaha ay CIA
ogaatay. Inkastoo waraysigan laga duubay ka hor inta uusan soo bixin warka
sheegaya in la ogaaday natiijada baaritaankii ay CIA waday.
Madaxweynaha ayaase sheegay in qarka loo saaran
yahay soo afjaridda baaritaanka.
"Labada maalmood ee foodda inagu soo haya
waxaan heli doonnaa warbixinta oo dhamaystiran, waxayna u badan tahay Isniinta
ama Talaadada" ayuu u ku yiri saxafiyiinta.
Lindsey Graham oo ah Senator xisbiga Jamhuuriga
ka tirsan isla markaasna ay xulafo yihiin Trump ayaa sheegay in uusan
rumaysnayn diidmada amiirka dhaxalka leh.
"Haddii uu doonayo in uu noqdo wajiga
Sacuudi Carabiya hoggaaminaya, waxay ila tahay wakhti adag ayaa sugaya
boqortooyada marka ay timaaddo masraxa caalamka," ayuu yiri isaga oo la
hadlaya warbaahinta NBC.
Xigasho : BBC