4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 19, 2018
Dhakhaatiir Soomaali ah oo Isbitaal weyn ka hirgaliyay Ohio


Isniin, November, 19, 2018 (HOL) -Magaalada Columbus Ohio oo ah magalada labaad ee Somaalida ugu baddan Mareykanka ku nooshahay ayaa markii ugu horeysay laga hirgaliyay Isbitaal ay leeyihiin dhaqaatiir Soomaali ah oo wax ku bartay Dalka Mareykanka waxa uuna qaabilsanyahay cudurada Guud.

Medcar Clinic ayaa noqonaya mid ay ka howlgalaan dhakhaatiir Soomaali iyo ajanabiba isugu jiraan kaas oo dabooli doona baahida dadka ku nool Ohio gaar ahaan dadka waayeelka ee ay ku adagtahay ku hadalka Luuqada Englishka.

Inkasta oo ay jireen isbitaalo yar yar oo ay dhakhaatiir Soomaali ah leeyihiin hadana kani waa uu ka duwanyahay waana isbitaal weyn oo ay bukaan socodku ka heli doonaan dhaqaatiir Taqasusu leh.

Furitaanka isbitaalkan waxaa maanta ka soo qeybgalay, Masuuliyiin ka socday Maamulka gobolka, Ganacsato, Culumo, Waxgarad, Arday, Dhaqaatiir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Mudadii ay xafladu socotay waxay dadku isku raaceen in isbitaalkan uu ku soo aaday xili loobahanaa isla markaana uu ka tarjumayo muuqaalka guud ee Soomaalida Ohio iyo sida ay wax baddan ugu soo kordhiyeen gobolkan.

Dr: Farhiya Mohamud Shirwa & Dr Amina Abdule Godane waa labo gabdhood oo in ka yar 15 sano ku nool wadankan isla markaana ka gun gaaray waxbarashada caafimaadka iminkana u gudbay in ay dadkooda kuu caawiyaan aqoontii ay soo barteen iyaguna ay mustaqbalkooda ku sii hiigsadaan.

Waxa ay arintani dhiiragalin u noqonaysaa dhalinyarada wax ka barata dalka Mareykanka oo ah dal ardada ay maraan marxalado aad u adag iyaga oo wajaha waqtiyo ay la xariira shaqooyinka ay ka shaqeeyaan iyo waxbarashada waana wado uu maro qof walba oo hiigsi leh.

Deeqa SONNA