Hoggaamiyayaasha Jabuuti iyo Itoobiya oo ka wada hadlay arrimaha Gobolka
Axad, November, 18, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku kulmay magaalada Addis Ababa,
kulankan ayaa qeyb ka ahaa kulamada gaar gaarka ee Madaxda Afrika ay
yeelanayaan, kaddib shir madaxeedka Midowga Afrika.
Kulanka labo geesoodka ee Madaxda Jabuuti iyo
Itoobiya ayaa looga hadlay arrimaha gobolka iyo is bedeladii u dambeeyay ee ka
dhacay.
Dr Workneh Gebeyehu wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya ayaa markii uu soo
dhamaaday kulanka u sheegay wariyeyaasha in madaxda labada dal Jabuuti iyo
Itoobiya ka wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labada dal
iyo isdhexgalka gobolka.
Labada hoggaamiye ayaa bogaadiyay isdhex-galka Geeska Afrika, waxayna si
wadajir u ammaaneen go’aanka cunaqabataynta looga qaaday Eritrea.
“Ra’isal Wasaaraha Itooboya ayaa u sheegay in Itoobiya ay sii wadi doonto
kaalinteeda ku aadan dhisida xiriir wanaagsan oo dhexmara Eritrea iyo Jabuuti
iyada oo loo marayo fududeynta dhammaan hababka wanaagsan”, ayuu yiri Workneh.
Jabuuti ayaa qeyb ka aheyn isbaheysiga saddex geesoodka ee ka dhex sameysmay
dalalka Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya, waxaana weli Jabuuti dhowreysa sidii
loo sii wadi lahaa dadaalada lagu dhex dhexaadinayo iyaga iyo Eritrea.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]