Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe oo loo gudbiyay Maxkamadda ICC
Axad, November, 18, 2018 (HOL) -Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa loo gudbiyay Maxkamadda Caalamiga ah ee The Hague, kaddib markii lagu soo eedeeyay dacwado ka dhan ah bani’aadanimada.
Xildhibaankan ayaa la xiray bishii la soo dhaafay, kaddib markii uu
rasaas ka dhex riday gudaha Barlamaanka, kaddib markii ay murmeen
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka.
Ninkan ayaa Maxkamadda caalamiga ah ee ICC ku soo oogtay inuu mas’uul
ka ahaa falal dil, jirdil, weerar dadka rayidka ah iyo inuu carruur
dagaal geliyay
Waxaa uu hoggaaminayay Maleeshiyo Masiixiyiin ah, kaddib markii
talada dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe la wareegeen muslimiinta
sanadkii 2013.
Alfred Yetakom ayaa sanadkii 2016 loo doortay xildhibaan ka tirsan
Baarlamaanak Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, isagoo ay saarneyd xayiraada
Qaramada Midoobey.
Qalalaasaha ka socday dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa sii
xoogeystay, sanadihii 2013 iyo 2014, markii ay kordheen weerarada ka
dhanka ah Muslimiinta laga tirada badan yahay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]