4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 17, 2018
Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ansixiyay hindise sharciyeedka dhismaha Hay’adda dadka Naafadda ah

Sabti, November, 17, 2018 (HOL) -  Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho,iyadoo uu shir guddoominaayay kusimaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad , Cabdiweli Sheekh Ibraahim (Muudeey) waxaa soo xaadiray 155 xildhibaan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda dadka naafada ah oo maray aqrinta saddexaad.

Hindise sharciyeedkan ayaa waxaa soo diyaariyay wasaarada Haweenka iyo xuquuql insaanka ee Xukuumadda Soomaaliya, waxaa wax ka bedel iyo ku daris ku sameeyay guddiga xuquuqul insaanka ee Golaha Shacabka. 155 oo madasha fadhiyay ayaa cod wada ogol ah ugu codeeyay, ma jirin xildhibaan diiday ama xildhibaan ka aamusay.

Guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Xaawa Yuusuf Axmed ayaa xildhibaanada kaga mahad celisay ansixinta iyo go’aanka wada ogolka ah oo ay qaateen.

Dhanka kale,Wasiirka Wasaarada Maaliyadda ee Xukuumada Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa xildhibaanada Golaha Shacabka sharaxaad ka siiyay miisaaniyadda dowladda 2019 oo ay wasaaradiisu soo diyaarisay.

Wasiirka ayaa sheegay in isbadal weyn uu ka muuqdo sanadkan miisaaniyadda, waxa uu soo bandhigay meelaha ay u qorsheeyeen in lagu taageero miisaaniyaddaan.

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo kulanka ka hadlay ayaa  soo jeediyay in miisaaniyaddaan lagu caddeeyo shaqaaleysiinta shaqaale cusub, keenista xisaab xirka 2017-ka iyo wasaaradda maaliyadda ee golaha horkeento kororka dhaqaale ee la sameeyay.

Gabagabadii, Kusimaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim (Muudeey) ayaa sheegay in guddiga maaliyadda iyo miiisaaniyadda ee Golaha Shacabka laga doonayo in ay ka soo shaqeeyaan miisaaniyaddan ka dibna aqrinta labaad ay soo diyaariyaan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]