4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 17, 2018
Musharrax Eng. Maxamed Cismaan CaliMaad oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo

Sabti, November, 17, 2018 (HOL) - Musharaxa Madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019 ,Mudane Maxamed Cismaan CaliMaad  ayaa maanta lagu soo dhaweeyey xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo. Musharaxa ayaa ka soo kicitimey magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Boqollaal dadweyne ah ayaa isugu so baxay garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo, waxaana shacabku safaf dhaadheer u galeen sidii Musharaxa xafiiska Madaxweynaha Puntland Eng. Maxamed Cismaan CaliMaad loogu soo dhaweyn lahaa Gaalkacyo. Dadka soo dhaweeyay waxaa ay isugu jireen Nabadoonno,dhallinyaro ,haween,Aqoon-yahanno,Arday iyo Cuqaal.

Maxamed Cismaan CaliMaad ,ayaa khudbad kooban ka jeediyey barxadda bartamaha ee magaalada Gaalkacyo ,ugu horrayn waxa uu u mahadceliyay qaybaha bulshada ee magaalada Gaalkacyo oo isugu soo baxay garoonka diyaaradaha ilaa barxadda bartamaha, waxa uu ka hadlay , nabadda iyo wada jirka  magaalada Gaalkacyo ,isagoo ka sheekeeyey taariikhda gobolka Mudug uu u lee yahay ummadda Soomaaliyeed, waxaana uu ku tilmaamey warshadii soo saartey Aabbayaashii xornimada Soomaaliya.

"Halku dhigeenno waa amni iyo ammaano , iyo soo celinta xaduuddaha maqan." ayuu yiri Eng. Maxamed Cismaan CaliMaad  oo ballanqaaday in uu magaalada sii joogi doono arki doono qaybaha kala duwan ee bulshada Gaalkacyo.

Nabadoonno . waxgarad ,dhallinyaro iyo haween ka hadlay soo dhaweynta musharraxa ayaa sheegay inay taageersanyihiin musharrax Eng. Maxamed Cismaan CaliMaad.

Ololaha doorashada madaxweynaha ayaa ka socda deegaannada Puntland, doorashadaa oo la filayo in la qabto horraanta bisha Jannaayo ee sanadka 2019.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]