4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 16, 2018
Taliyaha Booliiska : Waxaan qabanay ciidamo magac-yo iyo darajooyin kala duwan mishaar ku qaadanayay

 

Jimco, November, 16, 2018 (HOL) – Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed  oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay la xiray  Shan Askari oo kaamid ah ciidanka Booliska Soomaaliya kuwaas oo magacyo kala duwan oo aysan laheyn Mushaar ku qaadanayey.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in Askartan la la horgeyn doono Maxkamad maadaama ay sameeyeen wax ka baxsan Sharcigga.

“Booliska waxaa uu Todobaadyadda soo socda Baaritaan ku sameyn doonaa dadka Dowladda xaquuq uga qaata si-aan sharcigga waafaqsaneyn ama sharci darro ah cidii arrintaas lagu helana waxaa la horkeeni doonaa sharciga iyada oo aanan ka ganbasho laheyn” Sidaas waxaa sheegay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in arrintani ay ku guuleysteen kaddib baaritaano in muddo ah lagu hayay raga la soo xiray,wuxuuna intaasi ku daray in ay ka kala tirsanaayeen ciidanka Booliska iyo kuwa xoogga dalka, islamarkaana ay mushaaaraad ay ku qaadan jireen magacyo iyo darajooyin kaladuwan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]