4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 15, 2018
Jabuuti oo soo dhaweysay cunaqabateyntii laga qaadday Eritrea

Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)- Dowladda Jabuuti ayaa si lama filaan ah usoo dhaweysay cunaqabateyntii hubka iyo xayiraadaha kaleba ee laga qaadday dalka Eritrea.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shalay cod aqlabiyad leh ku ansixiyay soo jeedin ku saabsaneyd in Eritrea laga qaado cunaqabateynta dhinacyada, taasoo ay horgeysay dowladda Ingiriiska, Mareykankana uu ku taageeray.

"Dowladda Jabuuti waxa ay soo dhaweyneysaa qaraarka Qaramada Midoobay ee uu tirsigiisu yahay 244 ee xallinta khilaafaadkii u dhexeeyay dowladaha Jabuuti iyo Eritrea". ayaa lagu yiri war murtiyeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Jabuuti oo uu ku saxiixan yahay wasiirka arrimaha dibadda, Maxamuud Cali Yuusuf.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay Jabuuti inay diyaar u tahay go'aanka lagu fududeynayo wax kasta oo lagu wada hadlayo oo ku aaddan dowladaha Eritrea iyo Jabuuti.

Labada dal ee Jabuuti iyo Eritrea oo daris ah ayaa in muddo ahba isku mari la'aa muran salka ku haya xuduudda, iyagoo ciidamadooda uu dagaal culus ku dhex maray xudduudda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]