Kulan Tacsi oo Minnesota Ciyaartooydii hore ugu qabteen Marxuum Cabdi Dheere ( VIDEO)
Khamiis November, 15, 2018 (HOL)
Ciyaartooydii hore ee Soomaaliya ayaa xalay isagu yimi maqaayadda Daalo
Magaaladda Minneapolis kulan tacsi & baroordiiq isagu jira geeridii
naxdinta laheed ee ku timi Marxuum Macallinkii hore qaranka Cabdi Maxamed Ciye
(Cabdi Dheere) oo shalay lagu aasay magaaladda Toronto uu ku geeryooday bishaan
13 keedii.
Waxaa kulanka ka soo qaybgalay ciyaartooy hore iyo macalimiin aaan
ka xusi karno Macallin Xuseen Sudaani, macallin Qariidi,Axmed Dahir Axmed,
C/qaadir xaaji Daahir (Shiikha),Macallin Idris Sulaymaan,C/risaaq Ugaas,
Maxamud Ciise, Gani Xasan, Xaawo Hiiraan, Fartuun Osman,Nimco Kenyaati, Amaan
Guleed Cawaale,Fartuun Cismaan ( Ali Dheere),taageerayaal Xubno kale oo ka
tirsan Jaaliyadda Minnesota.
Hoos ka daawo Maqaalka Tacsida
Siyad Said Salah
siyad@hiiraan
Hiiraan Online
Minneapolis Minnesota