Wasaarraddo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo korontadii laga jartay
Talaado, November, 13, 2018 (HOL)-Sida Hiiraan Online uu u sheegay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya xarumaha ilaa 7 Wasaarraddood oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa laga jartay korontadii ay ku shaqeynayeen
Wararku waxaa ay sheegayaan
wasaarraddahan muddo dhowr bilood ah aysan bixin lacagihii lagu lahaa, taasoo
keentay in markii danbe laga jarto korontadii ay ku shaqeynayeen, waxaana
Wasaarradahan kala yihiin “ 1-Beeraha 2- Ganacsiga 3-Xanaanada
xoolaha 4- Patroolka 5-Wasaaradada hawlaha guud iyo dibushiska 6- Wasaradda
gaadiidka 7- Boostada iyo isgaarsiinta.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in
Wasaaradaha laga jartay Korontada heli waayeen lacagihii loogu tala galay
adeegyada lagama maarmaanka u ah Wasaaradaha sida biyaha iyo Korontada oo
qarash gaar wasaarad walba loo siin jiray inay ku dabirto arrimahaas.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa
maalintii shalay ka doodday Miisaaniyadda dowladda oo ay soo gudbisay
Wasaarradda Maaliyadda Soomaaliya.
Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka oo baxay
Wasiirradda Wasaarradahan la sheegay in laga jartay Korontada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]