4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 10, 2018
Wararkii ugu danbeeyay Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho

 

Sabti, November, 10, 2018 (HOL) – Waxaa caadi ku soo laabtay oo saakay dadka iyo gaadiidkuba isticmaaliyaan waddada hormarta hotelka Saxafi oo maalintii shalay ay ka dhaceen qaraxyo is xig xigay oo galaaftay nolasha dadka ka badan 20 ruux.

Ciidamada amaanka iyo hay’addaha caafimaadka ayaa tan iyo shalay ku mashquulsanaa in ay halkaa ka nadiifiyaan burburkii uu reebay qaraxa iyo dadkii wax –yeelladu soo gaartay oo la dhiggay goobaha caafimaadka magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isbitaalka weyn ee Madiina.

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay Qaraxyadan ayaa dhinaca kale ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho in ay si dhaw ula shaqeeyaan hay’addaha ku mashquulsan wax ka qabashada amniga.

Weerarradan oo ahaa kuwo ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxaa mas’uuliyadooda sheegtay xarrakada Al-shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada shisheeye ee taageerada militari siinaya.

Dadka qaraxyadii shaley ku dhintay ayaa u badnaa dad rayid ah oo saarnaa gaadiidka dadweynaha iyo kuwa kale oo waqtigaa goobta ku sugnaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]