4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 6 , 2018
Wejigii labaad ee Barnaamijkii shaqaaleeysiinta dhalinyarada oo laga daahfuray Muqdisho
Axad, May, 06, 2018 (HOL) -Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo daah furay wajiga labaad ee Barnaamijka Shaqaaleysiinta Dhalinyarada Gobolka ayaa sheegay in maamulkiisu uu xoogga saari doono sidii loo dar-dar gelin lahaa Barnaamijkan.

Guddoomiye Yariisow ayaa Tilmaamay in wajiga Labaad ee Barnaamijkan ay ka faa'ideysan doonaan kun dhallinyaro ah oo horey loo shaqaaleysiiyey muddaddo 6 bilood ah Hadana uu Maamulka Gobolka mudnaanta uu siinayo si loo joogiyo qorshayaasha ku saabsan shaqaaleysiinta dhalinyarada.

“Maamulka Gobolka waxaa ka go’an in uu fursadahan oo kale u hir-geliyo dhammaan dhalinyarada Gobolka. Iyadoona laga shaqeeynayo sidii dhammaantood ay u noqon lahaayeen qeybo wax barta iyo kuwo loo abuuro fursado shaqo, taasina waxay ku hir gelaysaa iskaashi dhammeystiran oo dhammaanteen la nimaadno.”

Dhalinyarada dib loo howl geliyey ee qeybta ka ah barnaamijka shaqaaleysiinta ayaa ka warbixiyey faa’iidada uu ku soo kordhiyay nolashooda, gaar ahaan khibraddooda shaqo, iyagoona muujiyey sida ay uga go’an tahay in ay labo laabaan dadaalkooda ku aaddan sidii ay ugu adeegi lahaayeen dalka iyo dadkooda.

Dhanka kale munaasabaddan lagu daah furayey barnaamijka shaqaaleysiinta dhalinyarada Gobolka Benaadir waxaa hadallo ka jeediyey Guddoomiye Ku-xigeennada Amniga iyo Siyaasadda, Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax, Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed , Xildhibaanno iyo masuuliyeen kale oo heer gobol iyo degmo ah.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya