4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 6 , 2018
Gudoomiyaha Baarlamanka Gal-mudug oo loogu baaqay in uu dib ugu laabtay caasimadda maamulkaasi

Axad, May, 06, 2018 (HOL) -Qaar ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Galmudug oo Warbaahinta la hadlay ayaa ugu Baaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir in uu kusoo laabto Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Xildhibaanadan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa Tilmaamay in la doonaayo in la dardargeliyo Howlaha horyaalla Baarlamaanka Galmudug sidaasi awgeedna loo baahanyahay in Gudoomiyaha oo mudooyinkii ugu dambeysay uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho uu dib ugu soo laabto Dhuuso-mareeb.

Xildhibaanada ayaa waxa sheegeen in aan la dooneynin in xilligaan laga dhex abuuro Khilaaf Madaxda Galmudug waxayna intaasi ku dareen in laga doonaayo Gudoomiyaha Baarlamaanka in uusan caqabad ku noqon geedi socodka Nabadda ee Galmudug.

Si kastaba Arrintan ayaa imaaneyso Xilli Dhawaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug uu Magaalada Muqdisho ka sheegay in uu kasoo horjeedo qaabka ay u socdaan howlaha dib u heshiisiinta Galmudug iyo Ahlusunna.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya