4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 4 , 2018
Shirkadda Dahab-shiil Group oo deeq cunno ah gaarsiineeysa dadka ku barakacay Fatahaaddii Baladweyne

Jimco, May, 04, 2018 (HOL) -Maamulaha Shirkada Dahab-shiil Group Cabdirashiid Ducaale ayaa BBC-da u sheegay in ay deeq Cuno ah oo isugu jirta Bariis Sonkor bur iyo saliid.gaarsiinayaan Dadka ay saameeyeen fatahadihii webiga Shabeelle ka geystay Baladweyne ee ku barakacay magaaladaasi iyo deegaanada ku dhow dhow.

Cabdirashiid Ducaale ayaa sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Dhammaan umadda Soomaaliyeed in dadkaasi loo gurmado si looga badbaadiyo dhibaatada haysata oo uu xusay in ay tahay mid baaxad leh, waxuuna intaasi ku daray in cidii ka qeyb qaadaneyso taakulaynta dadkaasi Account-no loo furay islamarkaana wax lacag ah aan laga qaadeeynin ciddii rabto in ay lacag ugu soo dirto, waxaana ka mid ah accounada uu sheegay Xawaalada Dahab-shiil 151515 iyo E-Dahab 0620151515 isagoo xusay in loogu talo galay in cid waliba ay wax ugu shubi karto iyadoo ay maamulayaan Shaqaalaha Dahab-shiil Group, Odayaal iyo  wax garad ku dhaqan Gobolka Hiiraan si loo hubiyo deeqdaasi in ay gaartay dadkii loogu talo galay sida ugu dhaqsiyaha  badan.

Ugu Dambeytii Maamulaha Shirkadda Dahabshiil Cabdirashiid Ducaale ayaa ka jawaabay Eedaymo loo jeediyay Shirkadaha Ganacsiga taasi oo la sheegay in ay faa'iido badan ka helaan Ganacsigooda Shacabka Soomaaliyeed hadana ay markii Masiibooyinka dhacaan dhinaca sama-falka ka gaabiyaan  waxuuna taasi ku tilmaamay mid aan waxbo ka jirin oo Dahabshiil Group si weyn uga qeyb qaadatay Gargaarka iyo samafalka Umadda soomaaliyeed Dhacdooyin horena ay kaalin weyn ka qaadatay.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya.