4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 4 , 2018
Kooxo hubeeysan oo weerar ka geeystay deegaan ka tirsan gobolka Waqooyi bari Kenya

Jimco, May, 04, 2018 (HOL) -Weerarka ayaa la sheegay in uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Shimbir Faadumo oo ku yaal koonfurta magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari Kenya.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Waqooyi bari Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in inta ay ogyihiin ay weerarkaasi ku dhinteen laba qof oo rayid ah, sedexda kalena ay kasoo gaareen dhaawacyo.

Sida ay masuuliyiintu sheegeen weerarka ayaa la tuhunsanyahay inay geysteen Maleeyshiyaadka Al-shabaab, ayadoo madaxa amniga gobolka Kuswa Ololka uu u sheegay wargeyska Daily Nation in aysan cadeyn tirada dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Kenya ayaa la sheegay in ay aadeen deegaanka uu weerarka ka dhacay.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo ku aadan weerarkaasi.
Maleeyshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa marar badan weerarro ka geystay deegaano ka tirsangobolka Waqooyi bari ee dalkaasi Kenya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.