4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 3 , 2018
Munaasabad Soo dhaweyn ah oo loo sameeyay cayaartooyda qaranka soomaliyeed ee 17jirada ah

Khamiis, May, 03, 2018 (HOL)-Maamulka Gobolka Benaadir iyo wasarada dhalinyarada iyo sportiga dowlada soomaliya oo iskashanaya  ayaa Waxa ay usameyen   cayaartooyda   munaasabad soo dhaweyn ah  iyo sidoo kale abaal marin 10,000 oo dollar oo maamulka ugu talagalay ciyaartoydaasi sidoo kale waxaa munaasabadaan kusugnaa Ra'isul Wasaara kuxigeenka dalka wasiiro iyo xildhibaano katirsan dowlada soomaaliya, Gudoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho taliyaasha ciidamada qalabka sida  madaxda xiriiraha sportska fanaanin shacabka rer muqdisho  dhalinyarada gobolka Banaadir bahda saxafiyiyiinta soomaliyeed aqoonyahano  ardayda iyo macliminta somaaliyeed ee kunool muqdisho  dhaqaatiiro siyasiyiin  iyo masuuliyiin kale ayaa , kasoo qeyb galay munaasabadani,

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliya ee ku bada cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa u mahad celiyay cidkasto oo qeyb ka qaadatay dhiiragalinta ciyaartoyda xulka qaranka Soomaaliya ee 17jirada ah waxa ayna keeneen guul.

Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha iyo Sportska ee xukuumada Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye waxa ay sheegtay in wasaarada ay xoog badan galisay sidii ciyaartoydan usoo gaari lahaayen heerkan ay maanta joogan iyo guulaha ay gaaren,

gudoomiyahaGobolka Banaadir ahna duqa muqdisho mudane Abdirahman Omar Osman
  Eng: Yariisow)  aayaa waxa uu sheegay

Casho sharaf aan caawa u sameynay Dhalinta 17 jirka ah ee Qaranka u saftay una soo hooyey guul, waxaa ka muuqatay kalsooni, dal-jaceyl, muwaadinimo, Soomaalinimo noona xaqiijiyeen inay dadaalkooda sii labo jibaarayaan una diyaar garoobayaan tartanka bisha August - Aad bey noo farxad galineysaa inaan arko dhalinyaro geesiyaal ah   Gudoomiye eng Yariisow ayaa ku amaanay ciyaartoyda xulka Qaranka ee 17 jirada ah sida ay kor ugu qaaden qaranka iyo midnimada,

Ra'isul wasaare kuxigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed ( Qadar) ayaa ugu danbeyn ugu hambalyeeyay xulka qaranka Soomaaliya guusha taarikhiga ah oo ay gaaren
Sidoo kale usoo jeediyay amaan iyo bogaadin sida u difaceen qaranka soomaliyeed waa guul tariiq ah wana bugaadinaya wana kufaraxsanahay wana hambalyenaya ayuu yiri , ra'isul wasaara kuxigeenka dalka.

Ilyaas Axmed Cilmi,
Hiiraan Online