Roob xanibay isku socodka dadka iyo gaadiidka oo ka da’aya magaalada Muqdisho
Axad, May, 20, 2018 (HOL) – Roobab
xoog leh oo bilaawday saqdii dhexe ee xalay ayaa wali ka da’aya magaalada
Muqdisho iyo deegaannada ku dhaw dhaw waxaana lagu soo waramayaa khasaare kala duwan
oo ay geysteen roobabkan.
Saameynta ugu weyn ee roobkan
waxaa dhaxlay dadka barakacayaasha ku nool qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kuwaa oo markii horeba deganaa guryo ka sameysay cooshado aan awood u
laheyn u adeysiga dhibicda roobka.
Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in ay jiraan dad ku dhintay roobabka da'aya gaar qof ayaa lagu waramayaa in uu ku dhintay degmada Xamar-weyne guri ku soo dumay, sidoo kale degnada Boodheere ayaa la sheegayaa in Labo Carruur ah ay qaadeen daadad ka dhashay Roobka.
Isku socodka dadka iyo gadiidka
degmooyinka qaar magaalada ayaa go'ay, kaddib markii ay jidadkii loo mari lahaa ka sameysmeen biyo fadhiisnno waaweyn.
Waddada Maka Al-Mukarama oo ka mid ah jidadka ugu mashquulka badan caasimada maanta waxaa aad u kooban dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gadiidka.
Wali roobabku waa ay da'ayaan inkastoo aysan u xoog badneyn sidii saacadihii aynu soo dhaafay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]