4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 15, 2018
15ka May maalinta dhalinyaradda Soomaaliyeed oo maanta loo dabaal-degayo

 

Talaado, May. 15, 2018 (HOL) – 15-ka May maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed kuna beegan aas aaskii Ururkii dhaliyarada SYL ayaa lagu wadaa in munaasabado lagu weyneynaayo lagu qeybaha kala duwan ee dalka.

Munaasabadan oo siweyn looga weyneeyo gudaha dalka Soomaaliya ayaa ku beegan markii la aas-aasay Ururkii gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL sanadkii 1943kii.

Wasaarada dhalinyarada iyo cyaaraha xukuumada Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir oo iskaashanaya ayaa la filayaa in maanta magaalada Muqdisho ay ku qabtaan munaasabdo lagu xusayo 15-ka May oo ah maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]