4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 14, 2018
Guddi nabadeyn ah loo dhisayo degmada Kaxda ee gobolka Banaadir


Isniin, May, 14, 2018 (HOL) – Degmada Kaxda oo ah degmada ugu da’da yar guud ahaan marka la eego gobolka Banaadir, ayaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu daah furyay guddi nabadeyn ah oo yeelaneyso degmada.

Munaasabada waxaa ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, gaar ahaan waaxda u qaabilsan nabada- kuwaa oo sheegay in dhismaha guddiyadan wax weyn ka tari doonaan guud ahaanba marka la eego dib u soo celinta amniga iyo hormarka caasimada.

Mas’uuliyiintii ka hadashay munaasabada ayaa waxaa ka mid ahaa Marwo Deeqo Maxamed Muuse iyo Cabdulle Yalaxow Maalin oo ka hadlay wax yaabihii u qabsoomaday guddiyada muddadii ay soo jireen iyo waliba muhiimada guddiyada nabadu leeyihiin hormarka caasimada.

Madaxa Barnaamijyada Hay’ada SOYDEN waxa uu sheegey in codsi uga yinid maamulkii hore ee Gobalka Banadir ay isku xilqaameen sidii degmadan cusub looga hirgelin lahaa guddiga nabada isagoo hoosta ka xariiqey in Amniga iyo nabada kala maarmin, sidaa darteed amnigana lagama shaqeyn karo haddii aan nabada la xoojin sido kale nabada ma waareyso haddii aysan jirin Amni sugan marka waxaa muhiim ah in nabada laga shaqeeyo.

Waxaa magaca degmadda martida loo ahaay isla markaan guddiga laga dhisayay ku hadashay gudoomiyaha ururka haweenka degmada kaxda Marwo Aamino Mursal Cabdi,waxay sheegtey in gudiyada Nabada ee deegaan waxaa uu Muhiim u yahay Bulshada halkaas ku dhaqan si ay u gaarto Horumar la taaban karo.

Waxaa sidoo kale kulanka ka hadlay gudoomiye kuxigeenka Arimaha Bulshada Gobolka Banaadir Xasan Ali Malaay waxaana uu u Mahadc eliyey intii ka soo shaqeysey Gudiga nabada Degmada Kaxda gaar ahaan Hay’adda SOYDEN oo uu sheegey in ay tahay Hayad u Tagaan sidii Somaaliya uga dhalan lahayd nabad

Hay'ada SOYDEN waxaa ay hore uga dhistey gudiyo nabadeed degmooyin gaaraya ilaa 29 degmo kuwaas oo laga hirgeliyey maamul Gobaleedyada Jubbaland, Hirshabelle, Koonfur Galbeed kuwaas oo ay ku jiraan 16 degmo ee hore uga biirey Gobalka Banadir.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa xalay kormeeray degmada Kaxda ee gobolka Banaadir isaga oo halkaa kula kulmay maamulka degmada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]