4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 14, 2018
Dowladda China oo lacag dhan $ 1.5 Million oo dollar ugu deeqday dadka ay fatahaaddu ku dhufatay

 

Isniin, May, 14, 2018 (HOL) – Wasiirka wasaarradda arrimaha dibeda Soomaaliya Axmed Cawad Ciise ayaa ka guddoomay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya deeq lacageed oo dhan 1.5 million oo dollar oo loogu tala-galay in lagu caawiyo dadka ay fatahaaddu ku dhufatay ee Soomaaliyeed.

Dowladda China ayaa sheegtay in ay siweyn uga xun tahay xaalada ay wajahayaan xiligan dadka ku barakacay gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ay saameynta adag ku yeesheen fatahaada uu sameeyay gaar ahaan magaalada Beledweyne ee xarunta u ah gobolka Hiiraan.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa dowladda Shiinaha uga mahad celiyay Lacagtaan ay ugu deeqeen dadka Soomaaliyeed.

Dowladda Shiinaha ayaa ka mid ah dowladdaha gacanta weyn ka geystay u gurmashada dadka Soomaaliyeed marka ay jiraan masiibooyinka dabiiciga ah oo ay daadadku ka midka yihiin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]