Muuse Biixi oo ka jawaabay hadalkii ra'iisal wasaare Kheyre
Khamiis, Maarso, 08, 2018 (HOL) -
Madaxweynaha
Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta markii ugu horeysay ka hadlay hadalkii
ka soo yeedhay xukuumadda Soomaaliya oo uu ku tilmaamay dagaal uu ku soo qaaday
Somaliland.
Madaxweyne Muuse ayaa si adag uga hadlay
hadaladii Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Xasan khayre kaga hor yimid heshiishka
saddex geesoodka ah ee Dekadda Berbera, waxaanu ka sheekeeyey taariikh dheer ee
Somaliland iyo Soomaaliya soo wada mareen.
“Dhayal, faan-faan iyo raalli-gelin siyaasadeed bay
kaa ahayd, laakiin Ladh iyo dacar iyo wixii nasoo gaadhay bay kicisay, maantana
colaad horleh iyo dagaal baad abuurtay, waxaana aanu u qaadanaynaa inaad dagaal
cad (Declaration of war) kusoo qaadday Somaliland, diyaarna waanu kuu nahay.
Xorriyadda Somaliland-na kaftan ma gasho, annaana Berbera xukuma, noolaan
maysid, horumar samayn maysid, cidna lama hadli kartid, sidee baad noogu
quudhay, laakin war baadan haynin.”ayuu yidhi madaxweyne Biixi oo si adag uga
hadlay hadaladiii ka soo baxay madaxda Soomaaliya.
Waxaanu intas ku daray “ maantana iclaan dagaal
baad qaaddaye guddoon, heshiiskaasina wuu hirgelayaa, Berbera-na caalamka oo
dhan baa isugu imanaaya, ninna marti ugama nihin, dalkii aanu naftayada u
hurnayna waanu ka baayac-mushtaraynaynaa, kulana heshiis gelaynaa, faankaaga
iyo kelmedaha aad tidhina wixii aad ka qaaddo ee aan xumaan ahayn baanu kaa
eegaynaa.”
Madaxweynuhu waxa uu sidaas ka sheegay munaasibad
ay soo qabanqaabiyeen haweenka reer Somaliland oo loogu dabaaldagayey 8 march
oo ah maalintii haweenka ee aduunka.
Madaxweynuhu waxay hadalkiisa qiiro galisay
haweenkii madasha fadhiyey, waxaana ka muuqday iyagoo ilmo iska tiriya, isla
markaana ka qiiraysan hadalka madaxweynaha ka dib markii uu madaxweynuhu ka
sheekeeyey saami qaybsigii lixdankii, xasuuqii ka dhacay Somaliland iyo
dagaaladdii dhexmaray xukuumaddii Siyaad Bare iyo xoogagii jabhaddii SNM,
waxaanu sheegay in hadalka madaxda Soomaaliya ka soo yeedhay xasuusinayaa
nabaro ay ka bogsadeen.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.