Baarlamaanka Soomaaliya oo dalka ka mamnuucay Shirkadda DP World
Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL)–Kulan xasaasi ah oo xildhibaannada Golaha Shacabka ku yeesheen magaalada Muqdisho maanta oo Isniin ah ayeey ka soo saareen xeer dhowraya gobannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, iyaga oo dhinaca kalana ka mamnuucay shirkadda DP World in ay ka howlgasho guud ahaanba Soomaaliya.
Xeerkan ka soo baxay baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu
eedeynayaa Shirkadda DP World inay si bareer ah ugu xadgudubtay siyaasadda,
madax banaanida iyo Midnimada Soomaaliya.
Hadaba Akhriso xeerka ka soo baxay Gollaha Shacabka
Qodobka 1aad
Heshiis caalami ah waxaa jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya u geli kara
oo keliya xukuumadda federaalka ah ayadoo sharci ahaan loo soo marsiinayo
hay’adda sharci dejinta JFS uuna madaxweynaha JFS ku meelmarinayo xeer
madaxweynaha laguna soo saaro faafinta rasmiga ah ee JFS.
Qodobka 2aad
1. Heshiis kasta oo lala galo dowlad ama hay’ad kaloo shisheeye, oo ka hor
imaanaya dastuurka federaalka ah waa waxbo kama jiraan aanan sharciyad laheyn
2. Heshiis kasta oo shirkadda Dubai Port World” DP world” lala galay waa
waxba kama jiraan maadaama uu ka hor Imaanayo dastuurka dalka, xeerka
maalgeshiga shisheeye Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka u degsan.
3. Shirkadda Dubai Port World “DP World” oo si bareer ah ugu xadgudubtay
siyaadada, madaxbannaanidu midnimada iyo bedqabka dalka Jamhuuriyadda Fedaraalka
Soomaaliyaa, waxaa saas daraadeed shirkadan laga mamnuucay dalka.
Qodobka 3-aad.
1. R/ Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya la farayaa inuu si degdeg
u gaarsiiyo xeerkan madaxa xukuumadda istutaga Imaaraadka Carabta “UAE” kuna
wargeliyo iney ku kaceen falal culus oo xadgudub ku ah qaanuunka caalamiga ah
oo ay ka mid yihiin kuwa kor ku xusan si bareer ahna uga horimaanaya Dastuurka
Federaalka Soomaaliya iyo xaqa shacbiga Soomaaliyeed dowga u leeyihiin bedqabka
dalkooda, ilaalinta gobonimadiisa iyo midnimada geyigooda.
2. Waxaa kaloo la farayaa R/ wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee
Soomaaliya in uu degdeg ah baarlamaanka federaalka Soomaaliyeed u hor Keeno
tillaabooyinka iyo howlgallada xukuumadda ay ku ilaalneyso sareynta dastuurka
iyo badbaadinta midnimada geyiga Soomaaliya.
Qodobda 4aad:
Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya waxaa uu dhamaan shacabka Soomaaliyeed
ugu baaqayaa in ay u istaagaan gudashada waajibka saaray muwaadin kasta oo
Soomaaliyeed ee difaaca dalka iyo ilaalinta midnimada qarabka
Qodobka 5aad
Xeerkan waxaa uu dhaqan galayaa marka uu ansixiyo baarlamaanka federaalka ah ee
Soomaaliya, madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ku meel mariyo xeer
madaxeyne, laguna soo saaro faafinta rsamiga ah ee jamhuuriyadda Soomaaliya.
Ilyaas Axmed Cilmi