Wasaaradda Amniga oo ka hadashay Amar Al-shabaab ay ku soo rogeen garoomada lagu cayaaro Kubadda
Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL) – Dhawaan
waxaa soo baxay warar sheegaya in Al-shabaab ku amreen milkiilayaasha garoomada
Salaxa ah ee xiliyada habeenkii lagu cayaaro Kubadda Cagta, ayaa waxaa arintaa
jawaab ka bixisay Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdicasiis Xildhibaan ayaa sheegay in
magaalada Muqdisho ay maamusho dowladda Soomaaliya, sidaa daraadeed uusan
ka dhaqan gali karin amarada Al-shabaab, isaga oo uga digay milkiilayaasha
garoomada in ay u hogaasamaan fariimaha uga imanaya Al-shabaab.
‘’Muqdisho dowladda Soomaaliya ayaa maamusha, ma aqbaleyno in milkiilayaasha
garoomada lagu cayaaro kubadda xiliyada habeenkii u hogaasamaan amarka
Al-shabaab, cid kasta oo amarka noocaa ah fulisa waxaan u arkeynaa in ay ka soo
horjeedo dadaallada dowladdu ugu jirto sidii kooxahaasi looga adkaan lahaa’’
ayuu yiri Cabdicasiis Xildhibaan.
Dadka degmooyinka, Dayniile, Yaaqshiid, Kaxda Iyo Heliwaa, ayaa sheegay in
Al-shabaab mamnuceen in lagu cayaaro garoomadda yar yare ee macmalka ah ee
xiliyada habeenkii dhalinyaradu isku balansadaan, kuwaa oo u shaqeeya hab
ganacsi ah oo kooxaha habeenkaa cayaaraya laga qaado lacago go’an.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]