Iska horimaad xalay ka dhacay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir
Isniin, Maarso, 12, 2018 (HOL) –Askari
ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in uu ku dhintay
iska horimaad xalay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ku dhaxmaray ciidamo ka
tirsan dowladda iyo Al-shabaab.
Dagaalka ayaa ka danbeeyay kaddib markii ciidamo uu horkacayay Taliyaha
Nabadsugida degmada Kaxda ay weerar ku qaadeen Qabuuraha degmada Kaxda ee loo
yaqaano Boqolka Boos, halkaasoo ay ku sugnaayeen koox hubeysan oo ka tirsan
Shabaab.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarka uu jawaab u ahaa Askari ka tirsan
ciidamada dowladda oo shalay gelinkii dambe lagu dilay Kaxda, kaasoo laga
qaatay qorigii uu watay.
Dadka ku dhaqan degmada Kaxda ayaa sheegaya in ay xalay maqlayeen rasaas
culus oo ka dhacayay dhanka qabuuraha degmada, iyagoo ay soo wajahday cabsi.
Xaalada degmada Kaxda ayaa saaka degan, waxaana isu socodka iyo ganacsiga
deegaanka uu yahay mid caadi u socda oo aan wax saameyn ku yeelan iska hor
imaadkii xalay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]