4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 11, 2018
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo la kulmay madaxda ugu sareysa dalka India

 

Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guulleed Khadar ayaa la kulmay  madaxweynaha dalka Hindiya Ram Nath Kovind, Ku-xigeenkiisa Venkaiah Naidu iyo  ra’iisal wasaaraha dalka Narendra Modi

Soomaaliya ayaa ayaa qeyb ka noqoneysa dalalka ka qeybgalaya shir caalami ah oo dalkaasi ka furmaya oo lagu falanqeynayo sidii quwadda cadceeda looga faa'ideysan lahaa, waxaana lagu wadaa in shirkaasi uu khudbad ka jeediyo, Ra’isul wasaare xigeenka Soomaaliya. Waxaa Ra'isul wasaare ku-xigeenka safarkiisa ku wehliya Wasiirka Tamarta iyo Biyaha xukumadda Soomaaliya Mudane Saalim Caliyow Ibroow.

Madaxda ugu saraysa dalka Hindiya ayaa wadajir u soo dhaweeyay Ra’iisal wasaare xigeenka Soomaaliya iyo wafdigiisa waxaana uu kala qayb galay kulan casho sharaf ah oo Hindiya ku qaabishay madaxda 121-ka dal oo ka qeybgalaya shirka Caalamiga ah ee International Solar Alliance oo ka furmaya magaalada New Delhi. Shirkaan ayaa muhimad gaar ah u leh dalka Soomaaliya oo qoraxdeeda lagu tilmaamay midda ugu wanaagsan ee korontada laga dhalin karo.

Soomaaliya waxay ka mid tahay wadamada ugu qaalisan ee  qiimaha iibka korontada, dhibaato weyna ku ah ganacsatada rabto in ay warshado ka hirgaliyaan dalka Soomaaliya

 

Booqashada Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ku ku joogo wadanka India ayaa waxaa ku wehliya xubno ka tirsan labada aqal ee baarlamanka Somalia.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]