4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 10, 2018
Guddiga Doorashooyinka heer Qaranka oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota la kulmay

Sabti, Maarso, 10, 2018 (HOL) -Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo maal-mahaan wadatashiyo ku aadan sidii loo abbuuri lahaa wacyi-galin guud oo ku aadan  suura galnimada u diyaar garowga qabashada geedi socodka qof Iyo Cod(one Man- One Vote) 2020ka,ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota kullankoodii 2-aad kula yeeshay hoolka Hadhwanaag ee ku yaala magaalada Minneapolis ee dalka maraykanka.

Kullan-kaan ayaa waxaa ka soo qayb-gallay Siyaasiyiin,Odayaal,Haween & dhallinayro,waxaana ugu horrayn daah-furay Xog-hayaha Guud  ee  Guddiga madaxa-bannaan Doorashooyinka Qaranka  Mudane Daahir Mirre Jabriil,wuxuuna sharaxaad ka bixiyey safarkooda iyo wax uu ku qotomay.

Sh. Hassan Jaamici oo ka mid ahaa culumadii lagu marti-qaaday,ayaa wacdi kaddib,wuxuu soo Dhaweeyey  Guddiga,Asaga oo ku Ammaanay Shaqada ay Hayaan,wuxuuna ka codsaday in ay ilaaliyaan Ammaanada iyo Sharafta ummadda Soomaaliyeed.shiikha ayaa si gooni ah uga digay Musuqa & laaluushka oo ay diinta islaamku reebtay

Gudoomiyaha Guddiga madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka  Somaliya Marwo Xaliimo Ismaciil Ibraahim(Xaliimo Yarey) oo ka hadashay goobta,ayaa sheegtay,wax yaalihii u qabsoomay inta ay shaqada bilaabeen iyo Meelaha ay gaareen gudaha & dibadaba.

‘’ Waxaan u soconaa Wada-tashi  & Sida aad u aragtaan Caqabada ka hor-imaan kara doorashooyinka & Sida looga hortagi karo dhibaatooyinka ka imaanaya’’Marwo Xaliimo Yarey ayaa soo hadal qaaday,wadanka soomaaliya iyo wakhtigii doorasho ugu danbaysay.

‘’Soomaaliya waxaa Doorasho ugu danbaysay muddo dheer,dadka guddaha jooga iyo dadka dibadda jooga isku si wax uguma sheegayno,waayo dadka dibadda Jooga,way yaqaanaan,oo waxay joogaan wadamo doorasho ay ka dhacdo’’

Marwo Xalimo Yarey ayaa ka hadashay arrimo la xariira dadka Soomaaliya mab’da ay ka aaminsan yihiin orrasho!!’’ Qofka aad waydiiso doorasho iyo Muwaadinka soomaaaliyeed,wuxuu xaq u lee yahay,looguna lee yahay,waxay la soo boodayaan bay tiri’’ Doorasho tii LAALUUSHKA LA BIXIjiaY ma ahoo?’’

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo so gooni ah ula hadashay Qurba-Joogta ayaa tiri’’Dad badan oo Soomaalia ayaa qurba joog ahSu’aalo ayaan idin waydiisanaynaa in aad nooga jawaabtaan...,

1-See doorashada Uga qayb-qaadan karraan?

2-Ma meesha ay joogaan bay ka codaynayaan?

3-Haddii ay codaynayaan dhaqaalaha yaa bixinaya?

Intaas kaddib,dadkii goobta yimid ayaa su’aalahaas mid meeshii ay ula muuqatay caasha u galiyey,waxayna u badnaayeen dadkii qabay fikirka in doorasho ka dhici karto Somaliya,haddii wakhtri badan la galiyo.

Guddiga oo ka kooban 3 qof oo kala ah Xaliimo Ibraahim, Daahir mire jabil & Ilhaam Maxamed ayaa   u anbabaxay dalka CANADA oo ay kullan kula qaadan-doonaan Jaaliyadda  Soomaaliyeed ee dalkaas daggan.magaalooyinaka TORONTO & OTTAWA...kaddibna dib ugu soo noqon doonnaan Washington oo ay Somalida halkaas ku nool kulan Wada-tashi kula qaadanayaan Maalinta Jimcaha ah ee 16 Maarso.

Siyaad Said Salah

[email protected]