Brett Kavanaugh oo loo magacaabay xaakimka maxkamada sare ee dalka Mareykanka
Talaado, July, 10.
2018 (HOL) - Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa garyaqaan Brett
Kavanaugh u magacaabay inuu noqdo mid ka mid ah xeer-ilaaliyaasha Maxkamadda
Sare ee Mareykanka, si uu u bedello booska uu banneeyay Justice Anthony Kennedy
oo howlgab noqday.
Munaasabad ka dhacday Qolka Bari ee Aqalka Cad si toos
ahna looga daawanayay telefishinka, ayuu madaxweyne Trump kaga dhawaaqay in
aysan jirin gudaha Mareykanka qof u qalanta oo kaga wanaagsan booskan Brett
Kavanaugh.
wuxuu ku sifeeyay qaadi faqiih ah oo sharaf leh, oo u
go,doomay sidii uu ugu adeegi lahaa dadkiisa iyo dalkiisa.
Kavanaugh, ayaa ah 53-jir aad ugu janjeera xisbiga
muxaafidka ee uu ka tirsanyahay madaxweynaha.
Wuxuu 12-ki sano ee lasoo dhaafay
ahaa qaadi heer federaal ah. Gaar ahaan maxkamadda racfaanka ee magaaladan
Washington DC.
Sidoo kale wuxuu la-taliye u soo noqday madaxweynihi hore
ee Mareykanka Goerge Bush. Si uu noqdo mid ka mid ah garsoorayaasha Maxkamdda
Sare, wuxuu u baahnaan doonaa in ay ansixiyaan Golaha Senetka Mareykanka.
Isha Warkan VOA