4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 31, 2018
Wasiirka Maaliyadda oo dhiiri-galiyay Wiil Naafo ah oo ka qalinjabiyay Jaamacada SIMAD


Arbaco, Janaayo, 31, 2018 (HOL)–Wasiirka Wasaaradda Maaliyada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ismaaciil Axmed Maxamuud oo ah Wiil dhalinyaro ah oo ka mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo maalintii shalay ka qalinjabiyay Jaamacada SIMAD ee magaalada Muqdisho.

Ismaaciil oo ah wiil dhalinyaro ah oo dhinaca kale Naafo ah ayaa maalintii shalay ka mid noqday Boqolaal Ardey ah oo ka qalinjabisay Jaamacada SIMAD, isaga oo saacadihii ugu danbeeyay siweyn uga soo dhax muuqday Baraha Bulshada.

“Waxaan ku farax-sanahay in aan maanta xafiiskeyga ku qaabilay Ismaaciil Axmed oo ah Arday ka qalin jabiyay Kuliyadda Banking & Finance ee Jaamacadda SIMAD.. Guusha Ismaaciil iyo Ardayda kale ee Soomaaliyeed waxaa ay tilmaam u tahay Mustaqbalka fiican ayuu yiri Wasiir Beyle

Tallaabada uu qaaday Ismaaciil ayaa siweyn u soo jiidatay madax hore iyo mas’uuliyiin kala duwan kuwaa oo siweyn ugu hambalyeeyay qaliin jebintiisa, isagoo tusaale u noqday dhammaan dadka baahiyda gaarka ah qaba ee Soomalaiyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]