4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 31, 2018
Doorashada Saddex Kursi ee ka bannaan Golaha Shacabka oo la qabanayo

 

Arbaco, Janaayo, 31, 2018 (HOL)-Gudoomiyaha gudiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaciil Ibraahim  [Xaliima Yareey] ayaa shir jraa'id ka sheegtay in la qabanayo doorashada saddexda Kursi ee ka bannaan Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay  in ay ka dalbanayaan beelaha leh  saddexda kursi ee baarlamaanka Soomaaliya ka bannaan in ay keensadaan dadkii u tartami lahaa.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaana sheegin  waqtiga rasmiga ah oo ay dhici-doonto doorashada cusub iyada oo sheegtay in ay ka war sugayaan ka guddi ahaan sida murashaxiinta isu-diiwaan-geliyaan.

28-kii Bishan ayay aheyd markii ay bilaabeen guddiga doorashooyinka buuxinta kuraasta Banaan ee Golaha Shacabka , waxaana doorashadii ugu horreysay lagu qabtay magaalada Jowhar waxaana ku soo baxay Xildhibaan Nuur Idoow Beyle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]