4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 31, 2018
Kulamo looga hadlayo dib-u-eegista dastuurka oo ka socda Jowhar

 

Arbaco, Janaayo, 31, 2018 (HOL) - Wasaaradda arrimaha dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, gudigga Baarlamaanka federaalka ee la-sacodka dib-u-eegista dastuurka iyo gudigga madax-banaan ee dib-u-eegista iyo Hirgelinta dastuurka ayaa kulan wadatshi ah la yeeshay ururada bulshada rayidka ee magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Kulanka oo ujeeddadiisu ahayd in bulshada Jowhar ay talooyinkooda ka dhiibtaan geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka ayaa waxaa ka soo qaybgalay xubno badan oo ka mid ah Ururada Bulshada rayidka ee Hirshabeelle.

Sen Cabdi-qaybdiid iyo Avv Maxamed Cabdalla oo kala ah labada gudoomiye ee guddiyada baarlamaanka iyo gudigga madaxa-banaan ayaa sheegeen in kulankan uu bilow u yahay kulmo kale oo ka dhici doona dhamaan degmooyinka dalka, sidoo kale waxa ay sheegeen in ay cadeeyneyso wadashaqeynta wanaagsan ee ka dhaxeeysa Wasaaradda iyo labada Guddi.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in wasaaradda iyo labada guddi ay ka go’antahay in ay dhageystaan talooyinka dadka Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]