4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 31, 2018
Dad loo xirxiray dab shalay ka kacay magaalada Garoowe

 

Arbaco, Janaayo, 31, 2018 (HOL) - Saraakiisha dowlad gobolleedka Puntland ayaa sheegay in dad u xirxireen dab Khasaare geystay oo shalay gelinkii dambe ka kacay goob Shidaalka lagu iibiyo oo ku taalla Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

Duqa Magaalada Garowe Xassan Goodir ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay dad lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen waxyaabihii dabkaasi kiciyay, islamarkaana ay Hay’adda Ammaanka Puntland ay baaritaano kala duwan ku waddaan.

Inta la xaqiijiyay dabkaasi, waxaa ku dhintay Afar qof , waxaana sidoo kale dhaawac culus  uu soo gaaray Afar oo kale sidda uu sheegay duqa Magaalada Garowe.

Diyaarad ayaa Maanta ka qaaday magaalada Garowe dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay dabkaasi oo la sheegay in uu geystay Khasaare Ba’an.

Dabkan oo aanan la ogeyn waxa sababay ayaa waxa uu ka kacay Geerish ay leedahay shirkadda Taran, kaasi oo lagu xareeyo Baabuurta, sidoo kalena ay yaalaan qalab dhismo oo shirkadda ay leedahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]