4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 31, 2018
Su’aal xisaab ah oo jahwareer dhalisay dalka Shiinaha

 

Arbaco, Janaayo, 31, 2018 (HOL) – Ardeyda dhiggata fasalka Shanaad ee dalka Shiinaha ayaa la yaabay su’aal xisaab ah oo soo dhaxgashay Imtixaan la soo hordhigay , taasoo iskaba daa in laga jawaabo e’ xitaan shaki badan la galiyay sida ay suurta-gal ku noqon karto in su’aal noocaas ah Macalinku weydiiyo Ardeyda.

Su'aasha la weeydiiyay Ardayda dhiggata fasalka 5aad ayaa waxaa ay u qoraneyd "Haddii Markab uu wado 26 Ido ah, iyo 10 Riyo ah, meeqa sano ayuu jiraa Naaquudaha?".

Warqada ay ku daabacneyd su’aashan oo la soo soo galiyay baraha bulshada ayaa ka yaabisay dadkii arkay, kuwaa sheegay in aysan aheyn su’aal maan-gal ah oo caqliga banni’aadamku ogolaanayo.

Mid ka mid ah dadka baraha bulshada isticmaala ayaa is-weeydiiyay in macalinka su'aasha soo qorey uu isaga yaqaano jawaabta iyo in kale.

Saraakiisha Waxbarashada ee dalka Shiinaha ayaase markii danbe sheegay in su’aashani aheyd mid si qalad ah ku soo dhax-gashay sida ay hadalka u dhigeen su’aalaha Imtixaanka.

Sheekadan oo lagu daabacay Bogga BBC-da ayaa sidoo kale lagu sheegay in mid ka mid ah Ardeyda oo isku dayay in uu su’aashan ka jawaabo sheegay in ugu yaraan Naaquudaha Markabka ka weyn yahay da’da 18 sano, isaga oo maskaxda ku haya in qof da’daa ka yar aan marnaba loo ogoleyn in uu gadiid kaxeeyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]