4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 31, 2018
Dowladda oo diyaarineysa qorshaha ka bixitaanka dalka ee ciidamada AMISOM

 

Arbaco, Janaayo, 31, 2018 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaarinayso qorshaha ciidamada AMISOM ay kaga baxayaan Gudaha Soomaaliya,islamarkaana guud ahaan Ammaanka Soomaaliya lagu wareejin lahaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya loo xilsaaray in ay diyaariso qorshaha AMISOM ay ku wareejinayso guud ahaan meelaha ay kaga sugan yihiin Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale xusay in ka hor ka bixidda AMISOM in ay muhiim tahay helidda ciidan Soomaaliyeed oo diyaarsan kuwaasoo amniga dalka oo dhan la wareegi doona.

Waxaa uu xusay in ay waqti dheer ay ka qaadan doonto in ciidamada AMISOM ay ka baxaan Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay waday dadaallo kala duwan oo ku aadan sidii loo horumarin lahaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed si ay ula wareegaan Ammaanka dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]