4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 31, 2018
Maamulka Hirshabeelle oo bilaabay howlgalo lagu furayo jidadka xiran ee labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

 

Arbaco, Janaayo, 31, 2018 (HOL) Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in ay bilaabeen howlgallo lagu furaayo wadooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab ee degaanada maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ay socdaan howlgallo lagu furaayo wadooyinka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Hirshabeelle ayuu xusay in ay hadda howlgallo ka waddaan Waddada u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar.

Madaxweyne Waare ayaa sidoo kale tilmaamay in ay howlgallo ka bilaabi doonaan deegaanada gobolka Hiiraan oo bilihii lasoo dhaafay Al-Shabaab ay saareen culeys badan.

Al-Shabaab ayaa bilihii lasoo dhaafay xoojiyay weerarada ay ka geysanayaan degaanada maamulka Hirshabeelle gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]