4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 31, 2018
Donald Trump oo xalay jeediyay khudbadiisii sanadka uu xafiiska joogay

 

Arbaco, Janaayo, 31, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump  ayaa xalay shacabka Maraykanka u jeediyay khudbaddiisii u horreysay ee sannadlaha ahayd tan iyo markii la doortay.

Madaxweynaha oo khudbadan ka hor jeediyay fadhi ay u dhammaayeen xubnaha labada aqal ee congress-ka Maraykanka ayuu ku sheegay in siyaasaddaha maamulkiisu ku tallaabsaday sannadkii la soo dhaafay ay sababtay in xaaladda dhaqaale ee Maraykanku uu kobco, sidoo kalena la abuuro shaqooyin fara badan.

Madaxweynaha ayaa yiri "Ilaa doorashadii, waxaan abuurnay 2 milyan iyo 4 boqol oo kun oo shaqooyin cusub ah, kuwaas oo ay ku jiraan 200 kun oo dhinaca warshadaha ah."

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale sheegay shaqo la’aantan yaraatay ay sabab u tahay hanaanka wax ka bedelka cashuuraha ee uu isagu la yimid.

"Ilaa markii aan meel marinay cahsuur dhimista, ku dhawaaad 3 milyan oo shaqaale ah ayaa helay lacago gunooyin ah, kuwaas oo badankoodu gaaraya kumanaan dollar oo qofkii uu helay."

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in dhaqaalaha kobcay uu dhisayo niyadda iyo rajada dadka Maraykanka ah. " Kani waa xiligeenii Maraykanka cusub. Ma jirin xilli ka fiican hadda oo lagu noolaan lahaa riyada Maraykanka."

Trump ayaa dhinaca kale ka hadlay dhinaca horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, isagoo congresska ka codsaday inay arrimahaas kala shaqeeyaan.

Wuxuu yiri "Caawa waxaan congresska ugu yeerayaa inu soo saaro sharci keenaya maalgashi dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha ah oo ay ku baxayso ugu yaraan 1 tiriyan iyo bar dollar."

Dhinaca socdaalka ayaa sidoo kale uu madaxweyne Trump ka halday, Isaga oo xusay afar tiir oo lagu hagaajin karo.

Wuxuu yiri " Ka koowaad ayuu inuu noqonayo in jinsiyad la siiyo 1.8 milyan oo caruur ahaa oo waalidkooda keenay. Ka labaad ayuu sheegay inuu yahay darbi laga dhiso xuduudda koonfureed ee dalka. Tiirka 3aad ayuu ku sheegay la joojiyo fiisihii bakhtiyaa nasiibka oo dadka lagu soo xulo xirfadooda. iyo Tiirka 4aad ayuu sheegay in la isku keeno dadka qaraabada dhow ah, sida xaasaska iyo caruurta yaryar oo loo keeno dadkooda Maraykanka jooga."

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale ka hadlay la dagaalanka kooxda ISIS, isaga oo yiri "Sanadkii hore, waxaan ballan qaaday inaan la shaqeyn doono xulufadeena, si aan u dunida uga tirtirno ISIS. Sanad ka dib, waxaan ku faanayaa in xulufadeena aan u sheego in ISIS laga xoreeyey 100% dhulkii ay ka haysteen Ciraaq iyo Suuriya. Hase yeeshee ay shaqo badani harsan tahay. Waxa uu yiri waan sii wadeynaa la dagaalanka ISIS ilaa aan ka jabino."

Trump ayaa sidoo kale ka hadlay xabsiga Guantano Bay ee dalka Cuba’’ Waxaa xajinayaa ballantii. Waxaan saxeexay wareegto aan xoghaye Mattis ugu sheegayo inuu dib u eego siyaasadaha xabsiyada militariga oo xabsiga Guanatanaman si uu u sii furnaado."

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]