4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 31, 2018
Maamulka Jubbaland oo Xabsiga u taxaabay xildhibaan Axmed Taajir oo dhawaan Xasaannada lagala noqday

 

Arbaco, Janaayo, 31, 2018 (HOL) –Warar ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta ku-meel-gaarka u ah maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay xildhibaan Axmed Taajir oo ka mid ahaa mudanayaasha maamulka Jubbaland, laakiin la sheegay in xasaannadii xildhibaan-nimo lagala noqday maalin ka hor.

Ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa la sheegay in ay ka soo qabteen Axmed Taajir guri uu ku sugnaa gudaha magaalada Kismaayo waxaana xabsiga dhigay isaga iyo xubno ka tirsanaa ilaaladiisa.

Xariga kaddib ciidamo nabad-sugida maamulka Jubbaland ayaa guud ahaan magaalada ka bilaabay howlgalo ballaaran oo Amniga lagu sugayo, iyadoo ay jirtay baqdin laga qabey kacdoon ay sameeyaan reer uu ka soo jeedo Axmed Taajir.

Maalmihii ugu danbeeyayba magaalada Kismaayo waxaa sii xoogeysanayay khilaaf u dhaxeeyay qaar ka mid ah xildhibaannada Jubbaland iyo madaxtooyada, taa soo keentay xasaannada lagala noqdo xildhibaankan oo la sheegay in uu baahiyay warar been abuur ah oo isugu jiray kicin dadweyne iyo ka been-sheegista hannaanka u shaqeeyo maamulka.

Laakiin xildhibaanku waa uu beeniyay dhamaanba eedeymaha loo soo jeediyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]