Guddoomiye Muudeey : Ma'aha in la xaqiro waxqabadka xukuumadiihii hore
Talaado, Janaayo, 30, 2018 (HOL) - Guddoomiye ku-xigeenka
koowaad ee golaha shacabka ahna ku-simaha madaxweynaha dowladda Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Muudeey oo
xalay ka qeybgallay munaasabadii xil wareejinta guddoonka gobolka Banaadir ayaa
ugu baaqay xukuumadda hadda jirta in aysan xaqirin waxqabadka xukuumadihii ka
horeeyay.
“Saaxiibkey Khayre iyo Wasiiradiisa qaar ka mid ah ayaa waxaan ka
dhageysanayay in iyagu uun wax qabteen, Waxaan goobjoog u ahaa 2009 Xildhibaan
baahi ugu dhintay Magaaladan markii wax uu cuno waayay qof uu shaxaadana garan
waayay.”
“Maantana waad arkeysaan meeshaan quruxda badan ee aad xilka kula kala
wareegaysaan, Dad ayaana keenay ee iskama imaanin, Taabid iyo Yariisowna ma
keenin ee waa laga horeeyay ee ilaahey halagu xamdiyo meel barwaaqo ah ayaad
timaadeene” ayuu yiri Muudey xilli uu khudbad ka jeedinaayay aqalka dowladda
Hoose.
Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa
muddooyinkii u danbeeyay khudbadaha uu jeediyo waxaa astaan u aheyd kalmada
''Markii Ugu horeysay'' taasoo macnaheedu dad badan u arkeen in ay tahay in
howlaha socda oo idil yihiin markii ugu horeysay oo dalka laga qabto.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]