4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 30, 2018
Safiirka dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya oo Kismaayo gaaray [Sawirro]


Talaado, Janaayo, 30. 2018 (HOL) –Safiirka dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya Nicolas Tumba ayaa markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay masuuliyiin uu kamid yahay wasiir kuxigeenka wasaaradda maaliyadda Jubbaland Mudane Xirji Jaamac Gaani.

Mr. Nicolas Tumbo ayaa sheegay in uu kasoo ambabaxay magaalada Muqdisho si usoo booqdo Jubbaland, gaar ahaan magaalada Kismaayo.

Waxa uu xusay in mudada uu joogo Kismaayo uu kulamo la qaadan doono madaxda Jubbaland iyo saraakiisha ciidamada difaaca Kenya (KDF) ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Safiirka ayaa intii uu ku sugnaa garoonka waxa uu la kulmay qaar kamid ah ciidamada Kenya ee ku sugan saldhigga ay ciidamadu ku leeyihiin garoonka diyaaradaha.

Dowladda Kenya waxaa qeybo ka tirsan gobollada Jubbaland uga sugan ciidamo tiro badan oo ka qeybqaata howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Tirada ciidamada Kenya ee kamid ah AMISOM ayaa lagu sheegay in ay gaareeyso ilaa 3664 askari, kuwaa oo ku sugan gobollada J/hoose iyo Gedo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.